Trump oo si caro leh uga baxay shir uu la lahaa Xisbiga Dimoqraadiga (Sababta)

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka baxay kulan uu lalahaa xisbiga dimuquraadiga ah waxaana burburay wada xaajoodyadii ku aaddanaa laamaha xukuumadda Maraykanka ee xiran ku dhowaad 3 todobaad.

Trumo ayaa isaga baxay wadahadalkii kadib markii Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer ay ku adkaysteen diidmadooda ku aaddan dhaqaalaha lagu bixinayo qorshaha madaxweynuhu ku doonayo in darbiga looga dhiso xuduudda Maraykanku uu la wadaago Mexico.

Kumanan shaqaalaha federaalka oo shaqaynaya mushahaar la’aan ayaa toddobaadkan waayi doona gunnooyinkooda, iyadoo Mr Trump uu ku hanjabay inuu ku dhawaaqi doono xaalad degdeg ah oo qaran haddii ay sii socoto xiisadda la xiriirta darbiga, asagoo garab mari doono ansaxinta Kongareska ee dhisidda gidaarka.

Ismari waagaan ayaa dhaliyey in ay xirnaadaan laamo kamid ah xukuumadda tan iyo 22 December.

Madaxweynuhu ayaau si lama filaan ah uga baxay shirka kadib markii Mrs Pelosi ay sheegtay in aanay ansixin doonin wax dhaqaale ah oo lagu bixiyo gidaarka.

Truump  ayaa Pelosi, waydiiyey ‘ ma igu raacsan tahay gidaarkayga? Waxay ku jawaabtay maya ka dibna wuu kacay, isagoo leh, ‘ haddaba majirto wax aynu ka wadahadalno” wuuna dhaqaaqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -