Allbanaadir.com
NEWS

Rag Calooshooda oo laga soo saaray in ka badan Boqol xirmo oo daroogo khatar ah !

Warbaahinta dalka Iran ayaa baahisay in ciidamada ammaanka dalkaasi, gaar ahaan kuwa ilaalada xuduudaha ay qabteen rag u dhashay dalka Afganistan, kuwaa oo doonayay in daroogo khatar badan soo galiyaan gudaha Iran.

Xuduuda ay wadaagaan Afganistan iyo Iran ayaa lagu qabtay afar nin oo la sheegay in ay wadeen daroogo, raggan ayaana daroogada kusoo qariyay meelo ay adagtahay in laga soo saaro sida calooshooda.

Taliye ka tirsan booliska xuduudaha Iran oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuudi ayaa sheegay in ragga ay qabteen oo ah kuwa tahriibiya daroogada in calooshooda laga soo saaray 117 xirmo oo noocyada ugu khatarsan daroogada.

Waxa uu sheegay taliyaha in nuucyada daroogada ee raggan u dhashay dalka Afganistan lagu qabtay ay kamid ahaayeen Heroin, Opium iyo Methamphetamine, daroogadan ayaana ah kuwa khatar ah oo la isticmaalo.

Raggan calooshooda laga soo saaray daroogada tirada badan ayaa loo gudbiyay xabsi , waxaana ku socda baaritaanno ku aadan sida ay calooshooda usoo galiyeen daroogada sida weyn mamnuuca uga ah gudaha Iran iyo guud ahaan caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale & Macalin Mahdi oo balanqaadyo culus u sameeyey qoyska gabadhii la gubay (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Tiro dad ah oo lagu laayey kaniisad ku taalla Magaalada Dablo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Abuu Mansuur oo saxiixay qoondada Soomaaliya sannadkan laga siiyay Xajka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---