Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo madaxda Al Shabaab ku khasbeysa in ay is-dhiibaan ama dalka ka cararaan

Dowladda Soomaaliya ayaa bilo kahor hakisay howlgalladii ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab ee ka socday deegaanno iyo degmooyin katirsan Hirshabelle iyo Galmudug, waxa ayna taasi keentay in Al Shabaab dib u qabsadaan deegaanno horey looga saaray.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in qorshihii dalka looga saarayay Al Shabaab uu wali haliisa yaal, waxa uuna xusay in jiritaanka Al Shabaab aysan dhaafeyn bilaha soo socda.

Waxa uu sheegay la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh in hormaro waa weyn laga gaaray dagaalka dowladda kula jirto Al Shabaab, waxa uuna xusay in wali degsan tahay istaraatiijiyada dagaalka ee ka dhanka ah Al Shabaab.

“Horumar aan caadi aheyn ayaa laga gaaray dagaalka Al-shabaab. Dagaal marka lagu jiro waxaa dhici kara waxyaabo gaabis ah ama habac ah oo aan markii hore la qorsheyn, laakiin istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka Al-shabaab waxba iskama bedelin” ayuu Xasan Macallin.

La-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in madaxda kooxda Al Shabaab ay yihiin naf la carar, isaga oo tilmaamay in dowladda ka shaqeeneyso in madaxdaasi la gaarsiiyo heer ay is dhiibaan.

”Dadka Al-shabaab madaxtooda ka warhaya sida ay hadda u fikirayaan waa dad meel raadis ah, laakiin dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la gaarsiiyo wakhtigii is-dhiibi lahaayeen ama ay dalka ka carari lahaayeen”” ayuu yiri la-taliye Xuseen Macalin.

Hadalkan kasoo yeeray la-taliyaha madaxweynaha ayaa imaanaya xilli aysan hadda socon howlgalladii ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowladda u muuqataa mid dagaalkii Al Shabaab uga mashquushay arrimo siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

General Mohamed Hamdan Daglo oo Booqasho lama filaan ah ku tagay Itoobiya

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabelle oo baaq degdeg ah kasoo saaray Dagaal ka socda deegaano…

Cabdi Cade

Somaliland oo War kasoo saartay Go’aanka dowlada ku erisay Danjire Nicholas Haysom

Cabdi Cade
Taboola Ads ---