Dhacdo Naxdin leh: Gabar yar oo Ayeeyadeed ku dishay gobolka Jubada hoose (Sawirro)

Gabar 15 jir ah ayaa la soo sheegayaa in xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyey iney dishay Ayeeyadeed sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaanka Goobweyn ee gobolka Jubada hoose.

Naciimo Bashiir Ayeeyadeed ayaa loo heystaa iney sumeysay Dahabo Maxamed oo aheyd Ayeeyadeed Hooyadeed dhashay oo ay ku wada noolaayeen guri ku yaalla degaanka Goobweyn.

Dhacdadan ayaa waxaa si weyn uga naxay shacabka ku nool degaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada hoose.

Gabadha yar ayaa xalay raashinka cashada sun ugu dartay ayeeyadeed, sida uu sheegay Guddoomiyaha degaanka Goobwyen Cumar Cabdullaahi Maxamed.

falkan ayaa yimid markii Gabadha yar ay ka carootay ayeeyadeed oo aad u canaanatay kuna qeylisay taasoo keentay iney cashada sun ugu darto.

“Sunta oo aheyd mida loo isticmaallo beeraha ee lagu dilo cayayaanka ayaa gabadhan isla xalay waxay ka soo iibsatay goob ganacsi oo ku taalla degaanka Goobweyn sidaasna waxaan ku ogaanay baaritaan iyo dabagal aan ku sameynay kiiskan” ayuu sidoo kale yiri Guddoomiyaha degaanka goobwyen Cumar Cabdullaahi Maxamed.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa saaka gaaray degaanka Goobweyn, waxayna soo qaadeen Meydkii iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay gabadhii sunta ku dishay ayeeyadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -