Allbanaadir.com
NEWS

Fasax maalin ah oo la siiyey Shaqaalaha rayidka ah ee dowlada Somalia (Sababta)

Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa ku dhawaaqay in maalinta Arbacada ah oo ku beegan 1-da May ay  fasaxan yihiin shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah.

Maalinta shaqaalaha adduunka, oo sidoo kale loo yaqaan Maalinta Shaqaalaha Caalamiga ah, waa maalin loo asteeyay in lagu maamuuso shaqaalaha adduunka oo dhan, si loogu doodo xuquuqda shaqaalaha iyo u cadaalad falidooda. Dhanka kalena waxay wasaaradu xusuusineysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda iyo sharafta dhammaan shaqaalaha, iyada oo aan loo eegin shaqadooda ama kala duwanaashaha xirfadooda.

“Munaasabadan aawgeed, waxaan aqoonsannahay dadaalka hagar la’aanta ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka qaybqaata kobaca iyo horumarka qarankeena. Waxaan dhammaan shaqaalaha uga mahadcelineynaa dadaalkooda, adkeysigooda, iyo sida ay uga go’an tahay dhismaha bulsho barwaaqo ah oo loo dhan yahay” ayuu yiri wasiirka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay Hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May 2024 kuna beegan maalinta Arbacada ah u direysaa dhammaan Shaqaalaha Dowladda, Shaqaalaha Gaarka ah iyo Shaqaalaha Hay’adaha aan Dowliga aheyn.

Related posts

Muuse Biixi oo isbedel ballaaran ku sameeyey Golihiisa Wasiirada (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali

Guddi baaraya Xildhibaanadii Foodada ka sameeyay xarunta Golaha Shacabka oo la magacaabay

Cabdi Cade

Dil Wiil Dhalinyaro ah loogu geestay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade