(Sawirro) Toogasho lagu laayey saraakiil Boolis oo ka dhacday Mareykanka

Afar ka mid ah ciidamada ammaanka oo amar maxkamadeed ka fulinayay magaalada Charlotte ayaa toogasho lagu dilay iyadoo afar kalena ay dhaawacmeen sida ay boolisku sheegeen.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado ciidamada ammaanka Mareykanka tobanaan sano.

Ugu yaraan qof looga shakiyay in uu yahay kuwa askarta weeraray ayaa laga helay meydkiisa guriga hortiisa kaddib markii ay ciidamada is horfadhiyeen ugu yaran saddax saacadood.

Boolisku waxay sidoo kal sheegeen in ay tuhunsan yihiin in labo qof oo kale oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarka.

Ciidamada waxay waxay isku dayayeen in ay soo qabtaan dambiile si sharcidarro ah u haystay hub.

“Maanta waxaa naga baxay geesiyaal doonayay in ay bulshadeena ammaan ahaato,” ayuu yiri taliyaha booliska oo la hadlay wariyayaasha.

Haweeney iyo wiil 17 jir ah ayaa loogu tagay gudaha guriga sida ay boolisku sheegeen. Waxaa la rumeysan yahay in midkood uu toogtay booliska. Dhowr iskuul oo goobta ka dhawaa ayaa la xiray.

- Advertisement -