Cabsi lasoo daristay Burcadii Muqdisho iyo Shacabka oo is badal weyn dareemaya

Burcadii hubeesnaa ee dhaca u geesan jiray shacabka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan, kadib markii ciidamada amaanka bilaabeen howlgalo burcadaasi lagula dagaalamayo.

Kooxo burcad hubeesan oo biskoolado iyo qoryo wata ayaa dhac ka geesan jiray xaafadaha magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa bakaaraha, waxa ayna kooxahab sabab u noqdeen in dadku qaadan waayaan moobeelol iyo alaabo qaali ah cabsi owgeed.

Wasaarada Amniga Gudaha ayaa xaafadaha magaalada Muqdisho ku daadisay ciidamo cusub oo booliis ah kuwaa oo loogu tala galay in ay la dagaalamaan waxna ka qabtaan burcada hubeesan iyo kooxaha kale ee magaalada ka geesta falalka amaan daro.

Ciidamada booliiska ayaa intii ay howlgalada wadeen waxa ay dileen sidoo kale dhaawaceen qaar kamid ah burcada hubeesan oo dad shacab ah dhac u geesanayay, waxa ay sidoo kale ciidamada nolosha ku qabteen burcad kale.

Magaalada Muqdisho ayaa hada laga dareemayaa isbadal xoogan oo dhinaca amaanka ah, waxaana shacabka si weyn usoo dhaweeyeen howlgalada booliiska kula dagaalamayaan burcada hubeesan ee shacabka nafta u keenay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -