Allbanaadir.com
NEWS

Basaaskii ugu xumaa ee ka carreesiiyay dowladda Mareykanka oo Xabsi ku dhintay

Gudaha xabsi si weyn loo ilaaliyo ammaankiisa ayaa laga dhax helay meydka sargaal horey uga tirsanaa ciidamada FBI-da dowladda Mareykanka, kaa oo markii dambe isku bedelay basaas la shaqeeya dowladda Ruushka.

Dowladda Mareykanka faah faahino dheeraad ah kama aysan bixin geerida ninkan muddo ka badan 20-sanno xabsiga ku jiray, waxaana ninkan meydkiisa laga helay qolkii uu uga jiray xabsiga Florence.

Robert Hanssen ayaa xogo sirdoon oo dalkiisu lahaa la wadaagay dowladda Ruushka, waxa uuna sargaalkan lacago badan kaga helay dowladda Ruushka xogaha sirdoon ee dalkiisu lahaa uu la wadaagay.

Ninkan oo ahaa basaaskii ugu weynaa ee ka carreesiiya dowladda Mareykanka ayaa kiiskiisa waxaa u fadhiistay saddex boqol oo wakiillo ahaa, waxa ayna maxkamd ku riday xukun xabsi daa’in ah sannadkii 2002-dii.

Mareykanka ayaa sheegay in ninkan lacag ka badan 1.4 milyan kaga qaatay Ruushka xogaha sirdoon uu la wadaagay , waxa uuna bixiyay xogo sir ah uu qoraal ahaan ugu diray  dowladdii Ruushka iyo Midowgii Soofiyeeti ee hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan shaki badan abuuray oo dhacay & Wasiir ka tirsan DF oo la saftay beeshiisa

Caydiid Ali

Qaban-qaabo xooggan oo ka socota Garoowe iyo wafdi culus oo halkaas ku wajahan

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur ma iska xaadirin doonaa maanta Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---