Cabdiweli Gaas oo ka jawaabay Martiqaadka Madaxweyne Farmaajo mar kale u fidiyay

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa mar kale Madaxda maamul goboleedyada ku marti qaaday in ay kasoo qeyb galaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya Muqdisho.

Martiqaadka Madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay Madaxda maamul goboleedyada waxaa ka hadlay Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas, waxa uuna sheegay in aysan diidaneyn martiqaadka Madaxweynaha u fidiyay balse laga horeeyo martiqaadkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in aysan diidaneyn martiqaadka Madaxweyne Farmaajo u fidiyay balse dhoor marar badan lawada hadlnay go’aano la isla gaarayna aysan waxbo ka fulin.

”Dhow mar ayaa shirar la isugu yimid oo lagu gaaray go’aano, marka waxay noqotay in la isu imaado oo la wada hadlo, hadana go’aamo kale la gaaro, hadana la fulin waayo waqtina sidaas ku dhamaado, marka waxbo tari meyso in la isku yimaado iyada oon la helin dhinac sedexaad ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wanaagsan tahay in la isku yimaado oo la wada hadlo lana heshiiyo, waxa uuna xusay in muhiim tahay in la helo dhinac sadexaad isagoona tilmaamay in shuruud ka dhigeyn in ajnabi noqdo dhinaca sedexaad.

”Aqalka sare ayaa hada wada waan waan wax lagu xalinayo, faragelin shisheeye muhiim ma ahan, meel aan uga hadalnay ma jirto, waxaan diyaar u nahay in la heshiiyo wax walbo la xaliyo hadii dhanka kale ay ogolyihiin ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas in wali sidiisii yahay go’aankii ay xiriirka ugu jareen dowlada Federaalka, waxa uuna xusay in ay hada ka war sugayaan dhax dhaxaadinta ay wadaan Aqalka sare.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Farmaajo qoraal uu soo saaray mar kale ku casuumay Madaxda maamul goboleedyada dalka in ay kasoo qeyb galaan shir wadatashi ah oo Muqdisho ka dhacaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -