Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynihii ugu horeeyey dowlad goboleedyada oo Xamar soo gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiiro ka tirsan XFS,xildhibaano labada gole, masuuliyiin ka socotay xafiisyada Madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal Wasaaraha ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa u yimid magaalada Muqdisho ka qeyb galka shir madaxda dowlad goboleedyada iyo DF uga furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa la filayaa iney iyana soo gaaraan magaalada Muqdisho saacadaha soo socda ee maanta ama beri.

Related posts

Faraanti lumay 12-sano kahor oo laga helay meel aan laga fileyn !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Gabar Soomaaliyeed oo si farsameesan Malaayiin Dollar uga dhacday Dad caan ah

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dibadda ah maanta u baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---