Duuliye ka dhergay qamri badan oo sabab u noqday in la baajiyo duulimaad Caalami ahaa

Shirkadda Diyaaradaha Japan ee Japan Airlines (JAL) ayaa kansal garaysay Duullimaad dheer ee Cirif-ka-Cirifka Adduunka, kadib, markii Duuliyihii ku qornaa Duullimaadkaasi uu Khamri badan ku cabay mid ka mid ah Hoteelada magaalladda Dallas ee Gobalka Texas ee dalka Maraykanka.

Sida laga soo xigtay Shirkadda Diyaaradaha Japan ee JAL, Duuliyahaasi oo 49-jir sh waxa uu duullin lahaa Diyaarad isaga kala gooshi lahayd magaalladda Dallas ee Maraykanka iyo Caasimada dalka Japan ee Tokyo.

Duullimaadka Diyaaradaasi oo qorshuhu ahaa inay Garoonka Diyaaradaha ee Dallas Airport ka duusho 11:05 daqiiqo ee barqanimadii Arbacadii la soo dhaafay, waxaa sii raaci lahaa 157 Rakaab oo ku wajahnaa Caasimada Japan ee Tokyo.

Caqabadaasi waxay sababtay in Rakaab badan oo watay Tikidhada Shirkadda Japan Airlines in loo wareejiyo Duullimaad kale ee Shirkadda Diyaaradaha ee American Airlines oo ku wajahnayd magaalladda Tokyo.

Duuliyihii loo baajiyey Duullimaadkii Dallas ilaa Tokyo ayaa waxa la sheegay inuu cabitaanka Khamriga u fariistay Isniintii la soo dhaafay, saacado kadib, markii uu Diyaaradii uu waday soo caga-dhigatay Garoonka magaalladda Dallas.

Duuliyaha iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda ayaa waxay cabitaanka Khamriga bilaabeen lixdii maqribnimo ee isla maalintii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Dallas ilaa markii ay ku laabteen Hoteelkii ay sida KMG u deganaayeen.

Shaqaalaha Hoteelka waxay Duuliyihii uga digeen inuu joojiyo Buuqa iyo Cabitaanka Khamriga, iyagoo Boliska u wacay abaarihii 02:00 habeenimo ee saqdii Dhexe ee Habeenkii ay Arbacada soo galaysay.

- Advertisement -