Madaxweyne Trump oo diiday in uu ka qeyb galo dood lagu qaban lahaa qaab Online ah

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa biyo diiday in uu ka qeyb galo dood uu la yeelan lahaa Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden oo loo qaban lahaa qaab Online ah.

Guddiga qaban qaabada dooda Musharaxiinta Madaxweynaha Mareykanka oo lagu waday in ay dhacdo 15-ka bishan October ayaa sheegay in doodii tooska aheyd loo bedelay qaab Online kadib markii Madaxweyne Donald Trunp ku dhacay cudurka Caronavirus.

Waxa ay sheegeen guddiga si looga baaqsado faafitaanka cudurka Caronavirus in dooda labada Musharax ee Trump iyo Biden loo bedelay qaab Online ah, hasa ahaatee waxa ay u muuqataa doodaasi in la baajinayo maadaama Trump uu diiday.

Xubno ku dhaw dhaw Musharaxa Madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka qeyb galo dooda uu la yeelanayo Donlad Trump.

Labada Musharax ayaa horey waxaa u dhax maray dood kulul, waxaana dooda xigta oo loo balansanaa in si toos ah labada Musharax uga qeyb galaan saameyn ku yeeshay cudurka Caronavirus oo laga helay Donald Trump.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -