Qaramada Midoobay oo si adag uga hadashay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Buulamareer

Al Shabaab ayaa shalay subax weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Buulamareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan xero ay degnaayeen ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ,waxa ay ku dileen askar badan halka tiro kalana weerarkaasi dhaawacyo kasoo gaareen.

Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al Shabaab ku qaadeen xerada ay degnaayeen ciidamada nabad ilalainta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.

Csaba Kőrösi ayaa tacsi u diray ehelada askarta katirsan ciidamada ATMIS ee weerarka Buulomareer lagu dilay, waxa uu sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyay askarta iyana weerarkaasi ku dhaawacantay.

Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi, ayaa sheegay in laga maar maan tahay in tallaabo laga qaado oo caddaalada la horgeeyo kooxdii ka dambeesay weerarkii Buulamareer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -