Xamaas oo ka hor timid baaq ay soo saareen 17 dal oo uu ku jiro Mareykanka

Mareykanka iyo 17 dal oo kale ayaa soo saaray baaq ay Xamaas kaga dalbanayaan inay sii daayaan maxaabiista ay hayaan si loo soo afjaro dhibaatada Qasa.

“Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in heshiiska miiska saaran ee lagu sii daayo maxaabiista uu keeni doono xabbad-joojin degdeg ah oo daba dheeraata oo ka dhacda Qasa, taasoo fududeyn doonta kordhinta gargaarka bini’aadanimo ee lagama maarmaanka ah, oo horseedi doonta dhamaadka colaadda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

Dalalka saxiixay bayaanka waxaa ka mid ah; Argentina, Austria, Brazil, Bulgaria, Canada, Colombia, Denmark, France, Germany, Hungary, Poland, Portugal, Romania, Serbia, Spain, Thailand, Ingiriiska iyo Mareykanka.

War saxaafadeedkan oo u muuqda mid cadaadis lagu saarayo Xamaas si ay u oggalaato heshiiska, ayaa markiiba ururka ka jawaabay, iyadoo Xamaas ay ku celisay dalabkeeda ah in Israa’iil ay marka hore joojiso dagaalka Qasa, taasoo qayb ka ah heshiis kasta oo lagu sii daynayo maxaabiista halkaas lagu haysto, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sami Abu Zuhri, oo ah sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan, ayaa Reuters u sheegay in cadaadiska Maraykanka ee Xamaas uusan waxba ka beddeli doonin go’aankooda ayna kaliya heshiiska qaadanayaan marka lagu soo daro soo afjarida dagaalka iyo in ciidanka Israa’iil laga saaro Qasa.

 

- Advertisement -