Allbanaadir.com
NEWS

Ronen Bar oo sheegay in uu qaadayo Masuuliyada weerarkii Xamaas ku qaaday Israel

Ronen Bar oo ah madaxa hay’addaha amniga Israel ayaa sheegay inuu isagu qaadayo mas’uuliyada fashilkii loogu hor tegi waayey weerarkii dhiigga badan ku daatay ee ay dagaallamayaasha Xamaas ka geysteen magaallooyin ka tirsan Israel.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ronen Bar ayuu ku sheegay inuu qaaday tallaabooyin adag, balse, nasiib xumo la awoodi waayey in laga hortago ama laga digo weerarkaasi oo dhacay bishan October 7-da.

“Aniga oo ah qofka Madaxda ka ah Hay’adda Amniga Gudaha ee Shin Bet waxaan mas’uul ka yahay Fashilkaasi, waxaa jiri doonto waqti la samayn doono baaritaano, balse, haatan waxaan ku jirnaa Dagaal haddaan nahay dadka Israa’iiliyiinta” ayuu yiri Romen Bar.

Kooxda Xamaas ayaa weerar dunidda la yaabtay isbuucii hore ku qaaday dhulka Israel maamusho, waxa ayna weerarkaasi Xamaas oo ahaa cir iyo dhul ku dileen dad ka badan kun qof oo Israel u dhashay iyo kuwa kale ajaaniib ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka Siiriya oo gaaray hareeraha Dimishiq (Sawirro)

Caydiid Ali

Haweeney leysay caruur ay dhashay, ka dibna ku qarisay Qaboojiye (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Musharaxiinta Mucaaradka oo hanjabaad ka soo saaray doorashada iyo Farmaajo oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---