Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tartan natiijadiisa la baabi’iyey markii la ogaaday iney ku guuleysatay gabar Soomaali ah

Tartan cunto karin oo ay ka qeyb galeen haween ka soo kala jeedo dalal kala duwan ayaa natiijadiisa la baabi’iyey ka dib markii la ogaaday iney ku guuleysatay gabar Soomaali ah.

Tartankan oo loo yaqaano (Matblogg) ayaa lagu qabtay dalka Sweden, iyadoo dood kulul ay ka dhalatay ciddii hanan lahayd abaalmarintii tartankaas.

Khadiija Ahmed oo ah gabar Soomaali ah oo kaalinta koowaad codeynta tartanka kaga jirtay ayaa go’aansatay inay tartanka isaga baxdo.

“Guddiga tartanka Maamulayey ayaa ila soo xiriiray waxayna ii sheegeen in la kansalay natiijada tartanka, lana qabanayo mid cusub, aniguna waxaan go’aansaday inaanan ka qeyb gelin” ayey tiri Khadiija Ahmed oo ku celinta tartanka ku sifeysay arrin cadaalad daro ah.

Guddiga maamulayey tartanka ayaa sheegay in sababta loo baabi’iyey natiijada ay tahay markii ay ogaadeen in tartamayaasha qaarkood ay heleen codad hiilo ah oo aan ku saleysneyn qiimeynta dhadhanka cuntada.

Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden ayaa ka xunaaday go’aanka lagu  la baabi’iyey natiijada tartankan, iyagoo ku eedeeyey guddiga maamulayey iney ku kaceen fal lagu cunsuriyeeyey gabar Soomaali ah oo ku guuleysatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda RW Rooble & Musharax C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo goordhaw gaaray Eritrea iyo soo dhaweyn aan …

Cabdi Cade

Cabdifitaax C/llaahi Cabdi (Hadraawi Sangub) oo lagu dilay Magaalada Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---