Allbanaadir.com
NEWS

Xogta kulan Wasiir Fartaag la qaatay Wasiirada amniga dowlad goboleedyada dalka (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wadashaqeynta Laamaha amniga.

Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sugayo amniga dalka, dardar-gelinta ladagaallanka Al-shabaab, tayeynta Booliska iyo xoojinta wadashaqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada.

Wasiir Cabdullaahi Fartaag ayaa xusay muhiimadda ay amniga dalka u leedahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta Booliska, isagoo bogaadiyey sida ay uga go’an tahay Wasiirrada Amniga ee heer dowlad-goboleed in la sii amba-qaado qorsheyaasha lagu xoojinayo Booliska Soomaaliyeed.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed, waxaana ma maqnaa wasiirka amniga Puntland oo maamul ahaan khilaaf uu kala dhexeeyo DF.

Related posts

Somaliland oo si adag uga jawaabtay Eedeyn uga timid Soomaaliya farriin cusubna dirtay

Cabdi Cade

Weerar Qaraxyo ku bilowday oo saakay lagu qaaday xero Milatariga Somalia ay degan yihiin

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in 50-xubnood Al Shabaab looga dilay howlgal wali socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---