Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in 50-xubnood Al Shabaab looga dilay howlgal wali socda

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidanka daraawiishta Jubbaland ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah Al Shabaab ka wada deegaanno iyo tuulooyin katirsan gobolka Jubadda Hoose.

Howlgalkan ay ciidamada huwanta ah wadaan ayaa Al Shabaab looga saaray deegaanno iyo tuulooyin ay horey u heesteen, waxaana howlgalka khasaaro badan lagu gaarsiiyay dagaallamayaasha Al Shabaab.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabduiraxmaan Yuusuf Al Cadaalada ayaa sheegay in howlgalka socda maalintii afaraad Al Shabaab looga dilay in ka badan 50-xubnood sidoo kale nolosha lagu qabtay 20-xubnood oo kale.

”Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubaland waxa ay Maalintii Afaraad oo xiriir ah Hawdka ku baacsanayaan Khawaarijta, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, Dhul badanna waa laga sifeeyay,” ayuu yiri Al Cadaalada.

Howlgalka ka socda deegaannada maamulka Jubbaland ayaa lagu doonayaa in Al Shabaab looga saaro deegaanno badan ay halkaasi ka joogaan, waxaana howlgalkan imaanayaa xilli uu joogsaday howlgalladii ka socday Hirshabelle iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Isbitaal ku booqday Caruur Mataano ah oo loo dhalay weriye Al-Shabaab Dileen (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) RW khayre oo kormeeray xarumo loo diyaariyey la tacaalida caabuqa COVID-19

Caydiid Ali

Kenya oo lacag aan caadi aheyn maalmo yar uga faa’iiday Jaadka Soomaaliya usoo dhoofisay

Cabdi Cade