Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo gudoomay fariin ka timid dhigiisa Sheikh Abdullah bin Zayed (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, Ahmad Juma Al Rumaithi, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Danjire Ahmad Al Rumaithi, oo ka wakiil ah Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka, ayaa gudbiyay fariin hambalyo ah oo uu ka siday, kuna socotay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo uu ugu hambalyeeyay xilka, una rajeeyay inuu ku guulaysto howsha loo igmaday.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay hore-u-dhaqaajinta iskaashiga labo geesoodka, iyadoo la soo banbixinayo fursadaha iyo istiraatiijiyadaha iskaashi ee dhinac weliba leh si loo dejiyo wax wadaag xooggan, loogana guul keeno kobac iyo horumar wadajir ah.

Related posts

Dal kuyaala Afrika oo hal sano gudihiisa ay ka geeriyoodeen Labo Ra’isul Wasaare

Cabdi Cade

Mataano la dilay 4 maalin kaddib dhalashadooda xilli aabahood uu…

Cabdi Cade

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne oo maanta xilka la wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---