Dagaal culus oo goor dhow ka qarxay bartamaha Magaalada Kismaayo

Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo magaalada Kismaayo dagaal qaraar ayaa ka qarxay magaalada, kaasoo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in labada dhinaca ay is weydaarsanayaan hubka culus iyo kuwa fudud, waxaana la soo weriyay inay ilaa afar qof ku dhinteen oo uu ka mid yahay oday nabadoon ahaa.

Ciidamada Jubbaland iyo ciidamo u abaabulan qaab beeleed ayaa la sheegay inuu dagaalku u dhaxeeyo kadib xiisad ka dhalatay shaki ku saabsan maleeshiyadan oo ka taagneyd xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo.

Dagaalka ka qarxay Kismaayo ayaa ka dambeeyay amarro ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe oo lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalada.

Xaalada magaalada kacsan, waxaana la maqlayaa dhawaqa hub kala gedisan, iyadoo dadweynaha halkaas ku dhaqan ay cabsi la soo deristay wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena ugu horeeya insha Allaah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -