Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo soo bandhigtay naqshada Mashruuc weyn (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta loo soo bandhigay qorshaha iyo naqshada Isbitaalka ugu weyn Puntland oo laga hirgelinayo Garoowe, iyadoo wafdi uu hooggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Qorsheel uuna qeyb ka yahay Guddoomiyaha Degmada Garoowe Cabdulqaadir Geeddi ay arrintan u soo gaareen Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la helo Isbitaal weyn oo dadku kaga maarmo baahiyaha caafimaad ee loo aado dalka dibadiisa, wuxuuna ku booriyey Maamulka degmada Garoowe iyo Shirkadda dhisaysa in dhakhso loo billaabo Isbitaalka.

Isbitaalka IHS Hospital, waxaa naqshadiisa lagu muujiyey habka casriga ah ee loo dhisayo, qalabeyntiisa iyo adeegyada caafimaad, isagoo la mid noqonaya Isbitaalada casrigan adduunka ka jira, waana xalka ay Dowladdu u heshay bulshadeeda si ay uga maarmaan in Caafimaad loo aado dibadda.

Munaasabadda waxaa ka qeybgelay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qorsheel, Guddoomiyaha  degmada Garoowe  Cabdulqaadir Geeddi, Dr Damaan Aden, MD, FACP oo ka socda IHS Health care system iyo masuulyiin kale.

Related posts

Diblomaasiyadda Qadar Qulqulaysa Saameyn Ma Ku Yeelan Doontaa Doorshada Soomaaliya?

Cabdi Cade

(Sawirro) Axmed Madoobe oo taageero u muujiyey Isimada dhaqanka SSC

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay xiisadii ka dhalatay dilkii Taliyihii Ururka Gorgor G/lle Maxaadey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---