Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo Muqdisho ka furmay

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ,waxaana shirkan furay  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’isul Wasaare Kheyre oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in dadaalo badan ay sameesay dowlada Soomaaliya ku timid in markii ugu horeesay shirkan lagu qabto Soomaaliya.

Shirkan goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka kala socota Ururka Iskaashiga Islaamka ee ah 15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa la aas aasay sanadkii 2007-dii, waxaana shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho laga soo saari doonaa War Murtiyeed diirada lagu saari doono arimaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar saaka ka dhacay degaanka Bood ee gobolka G/gaduud

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhigga oo Anita Kiki kala hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Danjiraha Mareykanka iyo taliyaha AFRICOM oo booqday xerada Bali-doogle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---