Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah isugu yeeray Wasiirada Amniga iyo Taliyaasha ciidamada …

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isugu yeeray shir deg deg ah oo magaalada Kismaayo ku yeelanayaan Wasiirada Amniga iyo Taliyaasha ciidamada maamul goboleedyada.

Shirkan ka dhacaya magaalada Kismaayo ayaa looga arinsanayaa sidii loo diyaarin lahaa qorshaha Ciidamada isku dhafka ah ee ay sameysanayaan maamul goboleedyada kala ah Jubbaland, Puntland , Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkan ka dhacaya magaalada Kismaayo looga arinsanayo sidii loo diyaarin lahaa loona dar dargalin lahaa isku dhafka ciidamada maamulada si ay ugu diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Madaxda Maamul goboleedyada dalka ee dhawaan ku shiray magaalada Kismaayo ayaa ku heshiiyay in ay sameestaan ciidamo isku dhaf ah oo hal talis yeelanaya, waxaana qorshahan mugdi galinayaa isku dhafkii ciidanka Qaranka Soomaaliya ee mudo socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo Shaaciyay in Talaadada la xirayo kana hadlay Sababta loo xirayo

Cabdi Cade

Kulan xasaasi ah oo u socda Xassan Shiikh & Xamse Barre

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---