Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo ka hor timid in Sacuudiga Xayiraad dhinaca hubka la saaro

Dowlada Sacuudiga ayaa wali wajaheysa cadaadis xoogan oo kaga imaanaya caalamka kadib dilkii foosha xumaa ee Wariye Jamal Khashoggi loogu dhax geestay Qunsuliyada Sacduudiga ku leeyahay magaalada Istanbuul.

Qaar kamid ah Wadamada Caalamka ayaa ku baaqaya in Sacuudiga lagu soo rogo cunaqabateyn kala duwan gaar ahaan iibka dhinaca hubka ah, waxaana arintaasi kasoo horjeestay wadamo badan.

Dowlada Faransiiska ayaa si cad uga hor timid in Sacuudiga lagu soo rogo cunaqabateyn dhinaca iibka hubka ah, waxa ayna Dowlada Faransiiska sheegtay in aan xiligan loo baahneyn in cunaqabateyn dhinaca hubka ah la saaro Sacuudiga.

Madaxweynaha Faransiiska , Emmanuel Macron, ayaa ka hor yimid baaqyada ku aaddan in xayiraad lagusoo rogo hubka Midowga Yurub ee Sacuudiga laga iibiyo, wuxuuna Madaxweynaha baaqyadaasi ku tilmaamay laab lakac ah.

Dowlada Austria oo hada heysa Madaxtinimada meertada ah ee Midowga Yurub ayaa ugu baaqday dalalka kale ee xubnaha ka ah midowga Yurub in ay xayiraad dhinaca iibka hubka ah saaraan Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa fadeexad kala kulmay dilka loo geestay Wariye Jamal Kahshoggi oo aad u dhaliili jiray Siyaasada Boqortooyada Sacuudiga , waxaana Sacuudiga wajaheysa cadaadis kaga imaanaya wadamo badan oo caalamka kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo qaaday talaabadii 1aad ee lagu soo afjarayo khilaafkii DF & Jubbaland ee Gedo

Caydiid Ali

Xil ka qaadis lagu sameenayo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo …

Cabdi Cade

War Saxaafadeed laga soo saaray Khilaafka Dowlada Dhaxe iyo Maamul goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---