Trump oo lagula taliyay in uu qaato Telefoon Shiinees ah iskana bedelo Iphone-ka !! 

Dowlada Shiinaha ayaa si jees jees ku jiro uga jawaab eed uga timid Warbaahinta dalka Mareykanka oo ku eedeeyay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka in ay dhageestaan Telfoonka gaarka ah ee Madaxweyne Trump.

Wargeyska New Yourk Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray in dowladaha Shiinaha iyo Ruushka ay dhageestaan Madaxweyne Trump marka uu ku hadlayo Telfoonkiisa  Iphone-ka ay sameyso shirkada Apple.

Dowlada Shiinaha oo ka jawaabtay eeda loo soo jeediyay ayaa waxbo kama jiraan ah ku tilmaantay Warka lagu daabacay Wargeyska New Yourk Times, waxa ayna Shiinaha hawada mariyeen hadalo jees jees iyo kaftan ah oo ay uga jawaabayeen eedan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Hua Chunying ayaa kula talisay Madaxweyne Trump in uu iska bedelo Telfoonkiisa Iphone-ka taa badalkeedana uu qaato Telefoonka shiinaha sameeyaan ee Huawei.

Waxa ay sheegtay Hua Chunying in Telfoonada waa weyn ee soo saaraan shirkadaha Shiinaha in ay amaan ahaan yihiin kuwa aad u fiican, waxa ayna ku talisay si wal walka dhageysiga uga yaraado in Madaxweynaha loo qaado Taleefoon Shiinees ah.

“Haddii ay si run ah uga walwalsan yihiin in taleefoonnada Apple loo dhaco, markaas waxay ku badalan karaan Huawei, haddii ay u arkaan in arrintaasi aysan sahlanaynna, markaas si ay ammaankooda u sugaan waxay joojin karaan adeegsiga isgaarsiinta casriga ah oo dhan, waxayna calaaqaadka u jari karaan dunida oo dhan”Ayey tiri Hua Chunying.

Warbixinta wargayska lagu qoray ayaa soo xigatay masuuliyiin hadda shaqeeya iyo kuwo horay u shaqayn jiray oo sheegay in ay jahwareer kala kulmeen sida caadiga ah ee madaxweyne Trump u wajaho ammaanka waxyaabaha elektaroonigga ah.

Waxay sheegeen in hay’adaha sirdoonku ay ogaadeen in Shiinaha iyo Maraykanku ay dhagaysanayaan taleefannada madaxweynaha ee Iphone-kiisa ayna isku dayayaan in ay ogaadaan sida uu madaxweynuhu u fikirayo iyo sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen.

Madaxweyne Donlad Trump oo dhankiisa ka hadlay warbixinta lagu qoray Wargeyska New Yourk Times ayaa ku tilmaamay warbixintaasi mid been abuur ah, waxa uuna sheegay in kaliya adeegsado telfoonada la ogyahay ee dowladu meel marisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -