Wafdi uu horkacayo George Conway oo Dhuusamareb kula kulmay Madaxda Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug Mudane Maxamed Cali Cantoobo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kulan miro dhal ah kula qaatay wafdi ka socday  Qaramada Midoobay oo uu hogaaminaye Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

Xubnaha wafdiga Qaramada Midoobay waxaa ka mid ahaa  wakiilo ka kala socday Xafiiska La-taliyaha Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Xal-u-helida Barakacayaasha Adduunka, Xafiiska Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Beni’aadannimada ee Soomaaliya, Xafiiska UN-Habitat ee Soomaaliya, UNDP, UNICEF, UNHCR iyo IOM.

Kulan-kaan oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlada Federaalka Sooomaaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo Guddoomiyaha Ku-xigeenada  Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xal-u-helidda arimaha barakacayaasha ee ku nool deegaannada hoos yimaada Maamulka Galmudug iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee dhinaha caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo faya-dhowrka.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la mideeyo daddaalada ku aadan in bulshooyinka barakaca ah loo helo xal waara iyadoo Dowlad Goboleedka Galmudug ay balanqaaday in ay kaalinteedu qaadaneysay iyada oo barakacayaasha  siinayso dhul halka Qaramada Midoobay uu dowrkeeda yahay dhisidda hooy wanaagsan si waafaqsan wadiiqooyinka horumarka xalka waara iyo midka caalamiga ah ee lagu doonayo in hal malyuun oo barakacayaal Soomaali ah laga saaro xaaladda barakaca labo sano gudahood.

- Advertisement -