Ismail Yusaf Baz (Abu Jacfar) oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday (Sawirro)

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen taliye ka tirsan ururka Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

“Horraantii maanta, diyaarad ay leedahay IAF (Ciidanka Cirka ee Israa’iil) waxay duqeysay oo meesha ka saartay Ismaaciil Yusaf Baz, oo ah taliyaha qaybta xeebaha ee Hezbollah, aagga Ain Ebel ee Lubnaan,” ayay ciidamada Israa’iil ku sheegeen bayaan  maanta.

Waxa ay intaa ku dartay in “Ismaaciil uu soo noqday sarkaal sare iyo ruug-cadaa dhowr jagooyin ah soo qabtay oo ka tirsan garabka militariga ee Xisbullah, darajadiisa hadda waxa ay u dhigantaa taliye guuto.”

Kooxda Xisbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Ismaaciil lagu dilay koonfurta Lubnaan. ka dib duqeyn ay la beegsatay dayuurad Drone ah gaari uu la socday.

- Advertisement -