Allbanaadir.com
NEWS

Caalim Muslim ah oo lagu waayay kiis kufsi ah oo ay ku eedeesay Haweeney soo Islaamtay

Maxkamad kutaalla ku taal dalka Switzerland ayaa kiis isugu jiray kufsi iyo jirdil ku weysay caalimka caanka ah Tariq Ramadan, oo sidoo kale ah Barfasoorka Jaamacado ka dhiga duruusta Islaamka.

Haweeney soo islaamtay oo u dhalatay dalka Swizerland ayaa ku eedeesay Sheekh Tariq Ramadaan in kufsi iyo galmo qasab ah kula kacay sannadkii 2008-dii , xilli ay ku sugnaayeen hotel kuyaalla magaalada Geneva.

Waxa ay sheegtay haweeneydan oo kamid aheyd taageerayaasha wadaadka in uu kula kacay kufsi, garaacid iyo handadaad, waxa ayna dacwad ka dhan ah wadaadka u gudbisay maxkamad .

Sheekh Tariq Ramadaan ayaa qirtay in uu la kulmay haweeneydan, balse waxa uu beeniyay in uu kufsaday, waxa uuna ka bad baaday xukun xabsi  saddex sanno, waxaana waddaadkan awoow u ah Sheekh Xasan Al-Bannaa oo ah aasaasihii Ikhwaanul Muslimiinkii Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Odawaa oo Sabab u noqday in Ciidanka Huwanta ka baxaan Deegaanka Wabxo

Cabdi Cade

Kooxo hubeesan oo maanta Dil ka geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Ebrahim Raisi oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Mid ka mid ah dalalka Carabta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---