Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga dalbaday in uu wax ka qabto 10-kan qodob ee Muhiimka ah

Lix bilood ka dib markii uu xilka qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, weli ma aysan dhicin in dowladdiisu ay ka dhabeyso ballan qaadyadii ay sameysay ee ahaa in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay helaan cadaalad iyo amni.

Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta u soo bandhigtay dowladda Soomaaliya qorshe ka kooban 10-qodob, kaasoo ay ku qeexayso tallaabooyinka ay tahay inay qaado si loo horumariyo xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka.

Bishii Maajo ee sanadkan 2022, dowladdu waxay sheegtay in waxyaabaha mudnaanta ay siin doonto ay ka mid yihiin amniga, cadaaladda, dib u heshiisiinta, iyo horumarinta bulshada, balse waxqabad dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo hagaajiyo oo mudnaanta loo siiyo xuquuqda aadanaha, si loo xaqiijiyo la xisaabtanka xadgudubyada, iyo in la ilaaliyo rayidka.

“Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee May 2022 waxay fursad u ahayd maamulka cusub inuu wax ka qabto caqabado badan oo xuquuqul insaanka ah oo dalka ka jira, iyo inuu taageero ka helo beesha caalamka si loo xaqiijiyo isbeddel waara iyo horumar laga gaaro horumarinta iyo ilaalinta aadanaha,” ayuu yiri Muleya Mwananyanda, oo ah agaasimaha gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

10-ka qodob oo Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International u soo jeedisay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ay kaal yihiin:

* In la ilaaliyo xuquuqda rayidka.

* Dib u habaynta nidaamka garsoorka.

* In la xaqiijiyo caddaaladda iyo magdhowga xadgudubyada ay geystaan ciidamada shisheeye.

* In la dhowro lana ixtiraamo xoriyada hadalka.

* Dammaanad qaad iyo ilo ku filan helitaanka xaqa caafimaad ee qof kasta.

* In la ilaaliyo dadka gudaha ku barakacay lana joojiyo raritaan qasab ah.

*In la ilaaliyo xuquuqda carruurta.

* In la Ilaaliyo haweenka iyo gabdhaha xuquuqdooda bini’aadantinimo lagana ilaaliyo xadgudubyada galmada.

*Ka-hortagga isbeddelka cimilada iyo xasaradaha kale.

*In la dhiso oo la hawlgeliyo Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -