Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Cumar Max’ed oo loo dhaariyey xilkii uu magacaabay RW Xamse (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayey Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Mudane Axmed Cumar Maxamed.

Wasiiru-dowlaha oo ka mid ah wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Mudane Xildhibaan Mohamed Abdullahi Hassan – Nuux.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kula dardaarmay Wasiirka in xilka loo dhaariyay uu u guto si mas’uuliyad ku jirto ugana adeego dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Mudane Axmed Cumar Maxamed ayaa balan qaaday inuu si hufan oo daacadnimo leh u gudan doono waajibaadka loo xilsaaray.

Related posts

Inta badan Wasiiradda xulan oo ku sugan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Xukuumada oo ansixisay heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhaqan lamid ah kii Boqorada Ingiriiska oo ka jira Madaxtooyada Soomaaliya !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---