Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo soo bandhigay sargaal kasoo goostay kooxda Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa soo bandhigay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo la sheegay in kooxdaasi uu kasoo goostay iskuna soo dhiibay ciidanka dowladda.

Sheekh Nuur Macalin Isxaaq oo Al Shabaab dhaxdiisa looga yaqaan (Shamso Diin ) ayaa ahaa horjooge ka tirsanaa Al Shabaab, waxa uuna xiriir lasoo sameeyay iskuna soo dhiibay saraakiil katirsanaa ciidanka xoogga.

Ninkan ciidanka dowladda isku soo dhiibay ayaa Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca jabhadaha , waxa uuna horey uga qeyb galay dagaallo badan oo ka dhacay qaar kamid ah goboladda dalka.

Sheekh Nuur Macalin ayaa sababta ku kaliftey in Al Shabaab isaga soo baxo ku sheegey ka been sheegida diinta Islaamka iyo sidoo kale caddaalad darro kooxda ka dhax jirta iyo dhibaatooyin kale.

Ugu dambeyntii sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa ugu baaqay dhallinyarada wali Al Shabaab ku jirta in ay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan dhinaca dowladda uu sheegay in lagu soo dhaweenayo.

Related posts

Halkee mareysaa sahminta Shidaalka xeebaha Somalia?

Caydiid Ali

Villa Soomaaliya oo diyaarisay halkii la dejin lahaa Xildhibaanada Farmaajo taageersan ee la doortay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Wasiir Anne Beathe iyo Xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---