Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo isqabsaday Magaaloyin ay ku jirto Tel Aviv iyo Wararkii u dambeeyey (Sawirro)

Qaraxyo waaweyn ayaa hadda laga maqlay gudaha magaalada Qudus dhinaca ay heysato Israa’iil, warar ayaana sheegaya in gantaalladii Iiraan ay hadda gaareen gudaha Israa’iil.

Sidoo kale seeriga digniinta bixiya ayaa laga maqlay magaalada Telaviv markii ay halkaas gaareen dayuuradaha Iran ee aan duuliyaha laheyn, waxaana magaalada isqabsday qaraxyo waaweyn.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in qaraxyo ay ka dhaceen deegaanada Beer Shebac, Badda Dhimatay iyo Hebron ee Daanta Galbeed, iyo sidoo kale Buuraha Golan ee ku yaala xadka dalka Suuriya.

Seeriyada ayaa ka dhawaqaya qaybo badan oo Israa’iil ah iyadoo difaaca hawada la hawlgeliyay.

Daniel Hagari, oo ah afhayeenka ciidamada difaaca Israel, ayaa soo saaray bayaan isagoo ku celceliyay tilmaamaha ku socda dadka rayidka ah ee Israa’iil si ay u tagaan meelaha gabaadka ah.

Nidaamka difaaca cirka ee Maraykanka ee Bariga Dhexe ayaa sheegay inuu qabtay qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, kuwaasoo ku sii jeeday Israel sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah.

Ilo-wareedyada ma aysan cadeyn sida Mareykanka uu u qabtay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo halka uu ka dhacay midna.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay xiisadda Colaadeed ee ka taagan Bariga Dhaxe

Cabdi Cade

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay qoraal ka soo baxay guddiga doorashada Somalia

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War kasoo saartay Khilaafka kala dhaxeeya Imaaraatka iyo sida laga yeelayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---