Dowlada Somalia oo War kasoo saartay Khilaafka kala dhaxeeya Imaaraatka iyo sida laga yeelayo

War Saxaafadeed ku qoran afka Ingiriiska oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa looga hadlay Khilaafka ka dhax aloosan Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka.

Warka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka uu ka dhaxeeyo xiriir adag oo dhinaca Ganacsiga, Siyaasada iyo dhaqanka.

Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa cadeesay in Soomaaliya diyaar u tahay in sidii caadiga ahaa lagu soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraatka oo hada meel xun gaaray.

War Saxaafadeedka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa looga mahad celiyay Dowlada Imaaraartka gacantii ay ka geesatay taageerida dowlada, la dagaalanka Argagaxisada iyo gacantii ay ka geesatay dib u dhiska Soomaaliya.

Warkan kasoo baxay  Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in is fahmi waaga dhinaca siyaasada ee soo kala dhax galay labada Dowladooda uu yahay mid laga gudbi karo.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar dhinaca dowladnimada ah,iyada oo dib u dhiska Hay’adaha dowladda ka shaqeyneysana ay diyaar u tahay in ay dowladda Imaaraadka sii waddo dadaallada taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay  in Madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya ay muhiim u tahay dowladda ,waxaana ay dowladda Soomaaliya soo jeediysay in laga gudbo wixii is faham waa ah ee dhawaan soo kala dhexgalay labada dowladood.

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -