Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo shuruud adag ku xirtay baajinta weerarka ay kaga aargudaneyso Israel

Ergada Iran ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haddii golaha amaanku cambaareeyo weerarkii dhimashada badnaa ee lagu qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq todobaadkii hore laga baaqsan karo weerar iran ku damacsan tahay iney ku ciqaabto Israa’iil

“Haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyo falkii gardarada ahaa ee maamulka Sahyuuniyadda uu ku qaaday xarunteena diblomaasiyadeed ee Dimishiq, kadibna la horkeeno cadaaladda dembiilayaasha, lama huraanka u ah Iran wey ka baaqsan kartaa weerarka aargoosiga ah” ayaa lagu yiri hadal ay barta X soo dhigeen Ergada Iran ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa cambaareeyay weerarkii 1-dii April, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephan Dujarric.

Golaha Ammaanka ayaa dood ka yeeshay weerarka 2-dii April, balse kala aragti duwanaanshiyaha xubnaha ka dhex jira ayaa hor istaagay in tallaabo rasmi ah ama cambaareyn la sameeyo.

Maraykanku waxa uu ku jiraa heegan sare waxana uu si firfircoon ugu diyaar garoobayaa weerar “muhiim ah” oo ay Iran ku bar-tilmaameedsato hantida Israa’iil ama Maraykanka ee gobolka si ay uga jawaabto weerarki Dimishiq ee lagu dilay taliyayaashii sare ee Iran.

 

Related posts

Al Shabaab oo sii deysay labo Dhaqtar oo mudo Afduub ahaan u heesteen

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Xaliimo Cabdullaahi Fiidow booskeedana nin u magacaabay

Cabdi Cade

RW khayre oo kormeeray ciidamo cusub oo loo diyaariyey amniga Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---