Allbanaadir.com
NEWS

Golaha shacabka oo maalintii labaad ka dooday canshuurta Iibka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sii amba qaadida dooda ku saabsaneyd arrimaha canshuuraha iibka, cabashada ganacsatada kala duwan iyo sida lagu xalin karo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka canshuurta loo qaadayo, hanaanka loo maray, cabashada ganacsatada iyo sidoo kale habka lagu xalin karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana la dhameystiri doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Sabtiga ah.

Related posts

Maxay ka wada hadleen Waare & xubnaha Baarlamanka ee ka soo jeeda Hirshabelle? (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo ka hadashay sababta loo xiray Wasiirkii amnniga Jubbaland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---