Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh & Madax kale oo shacab fara badan kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

Madaxweynaha JFS, Xassan Shiikh Maxamuud  Gudoomiyaha baarlamanka Xildhibaano ka tirsan labada aqal, Wasiiro iyo dadweyne aad u tira badan ayaa maanta kula tukaday salaada ciidul fitriga masjidka isbaheysiga Islaamka

Xassan shiikh ayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmahan barakaysan ee Ciiddul Fidriga, asigoo shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryay in sannadkan kiisa xigga ay ku gaaraan, amni, barwaaqo iyo caafimaad.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo ku howlan xaqiijinta amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan taakuleynta dadka danyarta ah, isaga oo Alle ka baryey in uu dalkeenna ka yeelo nabad iyo barwaaqo.

Amaanka masjidka Isbahaeysiga ayaa si weyn loo xoojiyey, iyadoo ciidamo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman la dhigay jidadka soo gala masjidka oo ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Sidoo kale kumanaan qof oo masjidkaas ku soo qulqulayey illaa saaka ayaa si weyn loo baarayey inta aysan masjidka gelin ka hor.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Somalia ayaa maanta si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee ciidul Fitriga ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd, taasoo dadka muslimiiinta ee caalamka ay soo guteen waajibaadka soonka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Related posts

Putin oo digniin adag ka bixiyey talaabo ay damacsan yihiin dalal reer galbeed ah

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay ninkii dilay Bootaan Maxamed Bootaan

Cabdi Cade

Janan oo ka hadlay Waxa kala Dhaxeeya dowlada Kenya uu hada gabaad ka dhiganayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---