Mareykanka oo ka digay weeraro ku soo wajahan qeybo ka mid ah Muqdisho

Dowlada  Mareykanka ayaa digniin ka bixisay weeraro argagxiso oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah

Mareykanka ayaa sheegay inuu helay xog sheegeysa in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan Muqdisho, gaar ahaana goobaha kala ah, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah iyo shacabka.

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda berri oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama soo geli karta dhismaha safaaradda.

Sidoo kale waxaa looga digay saraakiisha Mareykanka inay berri usoo safraan Muqdisho.

Weerarada ayuu Mareykanku sheegay in loo adeegsan karro, qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, weerar toos, iyo madaafiic.

Dhinaca DFS ma sheegin wax khatar amni ah, xili berrito Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad uu xilka ku wareejinayo agaasimaha cusub Sanbaloolshe

- Advertisement -