Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ku-sime Lugatoor oo ka farxiyey Maxaabiis ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan lugatoor ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr 06, April 08, 2024: kuna saabsan Cafis Maxaabiis Fadliga bisha Ramadaan darteed.

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka.

Markuu Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad

Markuu Arkay:- Talo soo jeedinta Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta  Puntland Puntland.

Markuu Tix geliyey:-  Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Wuxuu Cafis u fidiyey Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 50 Maxbuus oo ku kala jira Xabsiyada kala duwan ee Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu saxiixo Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, wuuna saxiixay.

Related posts

Daawo: Wararkii ugu dambeeyey kulamo Siyaasadeed oo Muqdisho ka socda

Caydiid Ali

Kooxo Hubeesan oo dilay Guddoomiye Maxamed Xaaji Xasan iyo Masuul ka hadlay dilkiisa

Cabdi Cade

Warar cusub oo ka soo kordhay dagaalka Sudan iyo qax ka socda Khartuum (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---