Dagaalo culus oo ka dhacay gobolka Sh/hoose iyo Wararkii ugu dambeeyey

Dagaalo culus ayaa ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose kaasoo la isku adeeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu qarxay markii xoogag aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig Millateri oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladu ku leeyihiin degaanka Mashalaay ee duleedka degmada Qoryooley.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Goob joogayaal ku sugan Qoryooley ayaa sheegay inay maqlayeen qaraxyo waaweyn oo ka dhashay madaafiicda iyo hugunka rasaasta oo labada dhinac is dhaafsanayeen.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay in Al-Shabaab ay weerarka qaaday khasaare xoogana gaarsiiyeen ciidamada Uganda.

Ma jiraan warar madax banaan oo ka waramaya khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaas ka dhashay, taliska ciidamada AMISOM ayaan sidoo kale weli ka hadlin, balse waxaa haatan degan goobihii lagu dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -