Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Meydka Marxuum Cali Mahdi oo goor dhow Muqdisho laga soo dejiyey

Dayuurad yar oo siday meydka Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhow abaare 10:00 subaxnimo soo caga dhigatay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa  halkaas ku sugan Masuuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin RW Somalia Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaashii hore ee Somalia, xubno ka tirsan goleyaasha DF, odayaal dhaqameedyo, Siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Meydka marxuumka ayaa goor dhow lagu tukan doonaa salaada Janaasada, iyadoo salaadii Jimcaha ka dibna lagu aasi doono goob uu ka dardaarmay marxuumka oo ku taalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

La soco wixii soo kordha..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadaad ku baaqay in madaxa dhagax looga dhufto Abiy Axmed oo Dacwad lagu soo oogay

Cabdi Cade

Ajaaniib Dahab gaaraya 940 Garaam ka xaday Muqdisho oo lagu qabtay Qardho (Sawirro)

Cabdi Cade

Jidka dheer ee Boosaaso & Gaalkacyo oo go’ay & Xaalad adag oo ka taagan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---