Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Muxuu Yuusuf dabageed kala hadlay Saraakiisha ciidamada gobolka Hiiraan? (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta shir gudoomiyay kulan guud oo looga hadlay Amniga kaasoo ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Dabageed ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha ciidamada Amaanka iyagoo la wadaagay xaaladaha Amniga Magaalada Beledweyne iyo tan guud ee Deegaanada Hirshabelle.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha Ciidamada Amniga xaqiijinta Amniga Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhowaan ay ka dhicin doonaan Doorashooyinka Baarlamaanka.

Yuusuf dabageed ayaa dedaal xoogan ugu jira sidii Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe uu booqasho ugu tegi lahaa magaalada Beladweyne, xili uu halkaas ka jiro kacdoon arrintaas looga horjeedo.

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa marar badan sheegay inuu dagaal kaga sifeyn doono magaalada Beladweyne maleeshiyaad uu hogaamiyo Jen. Xuud oo diidan booqashada Cali Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari weerar dad badan ku dhinteen ka geestay Thailand (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

War cusub: Kenya oo gubtay Qaad tahriib lagu soo gelin rabay Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab duulaan ka soo laabtay oo lagu duqeeyey gobolka Jubada hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---