Iska hor imaad khasaaro geestay oo dhax maray Ciidamada Hindiya iyo kuwa Shiinaha

Iska hor imaad khasaaro dhaliyay ayaa dhax maray ciidamada ilaalada xuduudadaha ee dalalka Hindiya iyo Shiinaha, waxaana iska horimaadkan la sheegay in uu ka dhashay khilaaf labada ciidan soo kala dhax galay.

Sida ay ku warameen Warbaahinta dalka Shiinaha iska hor imaadka labada ciidan dhax maray ayaa ka dhacay xuduuda labada dal wadaagaan gaar ahaan xuduuda gobolka Sikkim.

Iska horimaadka dhax ciidamada Shiinaha iyo Hindiya ayaa waxaa ku dhaawacmay 11-askari oo labada dhinac ah, waxaana dhaawacyada qaar askartaasi la sheegay in ay yihiin kuwa fudud.

Saraakiisha labada ciidan ee ku sugan xadka iska horimaadka ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa in ay xaliyeen khilaafka keenay iska hor imaadka, xaalada ayaana hada lagu soo waramayaa in ay tahay mid degan.

Dowladaha Hindiya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf dhinaca xuduudaha, waxaana labadan wadan horey dagaal culus oo dhinaca xuduudaha u dhax maray sanadkii 1962-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -