Bangiga Amal oo maanta daah furay Adeega Keyda Dumarka (Daawo Sawirada)

Bangiga Amal ayaa maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Al-Furaat ku daah furay Adeega Keyda Dumarka oo loogu magac daray “Marwo Savings” oo loogu talo galay dumarka.

Kulanka waxaa furay Mudane Cali Maxamuud Sheegow oo ka mid ah howl wadeenada Amal Bank Mogadishu,  waxa uuna u mahad celiyay kasoo qeyb galayaasha oo dhamaantood ahaa Dumar ka kala yimid suuqyada kala duwan ee magaalada Muqdisho isuguna jiro ganacsato yar yar, kuwa dhexe & kuwo waa weyn.

Waxaa goobta muxaarado & baraarujin kasoo jeediyay Sheekh Mukhtaar Sheikh Maxamed Cilmi oo ah u qeybsanaha arimaha diinta & shareecada ee shirkadda Amal. Sheekh Mukhtar waxa uu baraarujiyay in xalaasha la miirto iyadoo ganacsigana lagu saleynayo kitaabka & sunnada, waxa u Sheekha dumarka ku dhiiro geliyay in mar walbo & meel walbo ay joogan ay Alle ka cabsadaan oo xijaabka ku dhegaan.

Kadib Khudbadii Sheekha, waxaa faahfaahin laga bixiyay sida uu u shaqeeyo adeegan Keyda Dumarka & guud ahaan adeegyada bangiga xubin ka tirsan waaxda Suuq Geynta ee bangiga Amal oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Xaaji.

Barnaajikan oo ah mid heer sare loo soo agaasimay aya waxaa martida ka mid ahaa rug caddaaga weyn ee majaajiliistaha ah Maki Xaaji Banaadir oo isagana dumarka kula dardaarmay in ay kaalin ka qaataan kobcinta qoyska & garab istaagga nimankooda iyadoo u keydinayo wixi ay awoodaan.

Inti barnaamijka socday waxaa martida fursad loo siiyay in ay su`aalo la wadaagaan Madaxda & Maamulka bangiga & sidoo kale aqoonyahanada goob jooga ahaa. Waxaana ka mid ahaa dumarki goobta ka hadlay oo su`aalaha soo gubiyay Maamo Khadiijo Qaasim Shuukeey.

Maamada ayaa khibradeeda aqooneed & ganacsi intaba la wadaagtay dumarka kale ee goobta ku sugnaa iyadoo kula talisay in dhaqanka keydsiga casriga ah ee bangiyada laga faa`ideysto.

Dr Bashiir Cabdisamad Xareed OO ka mid ah maamulka saree e Amal Bank ayaa kalmad aqoon ku dhisan qeybihi danbe ee barnaamijka kasoo jeediyay madasha.

Waxa uu Dr Bashiir sheegay in keydka uu yimaado ka hor inta aan shakhsiga biilka & nolol maalmeedkiisa bixin oo ay haboon tahay in marka hore qeyb ka mid ah dakhliga shakhsiga uu helo u keydsado inta hartayna isku filneyso.

Gabagabadii barnaamijka waxaa soo af jaray Maamulaha Amal ee Faraca Muqdisho Mudane Maxamed Cabdi Maxamed Aybakar isagoo ugu bishaareeyay dumarka in usbuuca danbe bangiga bilaabi doono mashruuca Micr Finance oo ah deyn ama amaah aan dul saar lahayn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -