Qaraxyo ka dhacay Buulo Burte iyo Jalalaqsi iyo Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay (Sawirro)

Qaraxyo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ,waxaana qaraxyadn loo adeegsaday baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku shahiiday qaraxyadii ay Al Shabaab ka geysteen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burde.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weeraradii qaraxyada ahaa ee Al Shabaab ka geysteen Magaalooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dhinteen dad shacab ah, waxa uuna tilmaamay in Al Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha dadkeena iyagoo hadaf ka dhigtay xasuuqa iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Cali Guudlaawe ayaa xusay in la joogo waqtigii si wadajir ah loo ciribtiri lahaa kooxda Al Shabaab deegaannada Hirshabelle iyo guud ahaan dalka, waxa uuna xusay in kooxdan hadda gabi gabo ku dhaw yihiin jiritaankooda.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay degmooyinka katirsan Hiiraan in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta dhaawaca ahna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -