Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon Xasan Cali Muude oo la dilay iyo mid kamid ah raggii dilay oo la qabtay

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in xalay duleedka magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ku dileen nabadoon Xasan Cali Muude oo kamid ahaa waxgaradka caanka ka ah magaalada Jowhar iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Sida aan wararka ku helnay nabadoonka ayaa lagu dilay xalay tuulada Casirmaal ee hoostagta magaalada Jowhar, kaddib markii kooxo qoryo ku hubeysnaa ay kala degeen gaari uu la socday nabadoonka.

Ehelada nabadoonka la dilay ayaa sheegay in dableyda hubeysan oo qoryo watay ay rasaas kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka, waxa ayna tilmaameen in dilkaasi salka ku hayo aano qabiil lana tuhmayo dadka geestay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laamaha ammaanka magaalada Jowhar oo howlgalo deg deg ah sameeyay gacanta ku dhigeen nin ku eedeysan in qeyb ka ahaa dilka loo geestay Nabadoon Muude, waxaana ninka la hayo ku socdo baaritaano.

Dilkan ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ayaa laga cabsi qabaa haddii aan tallabao deg deg ah laga qaadin dadkii ka dambeeyay in uu huriyo colaad beeleed, waxaana socda deddaalo ay wadaan laamaha amniga caasimadda Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Indha-qarshe oo la dardaarmay ciidamo loo wado dagaalka Al-shabaab ( Sawirro)

Caydiid Ali

Kooxdii RSF oo laga saaray Khartuum & Jen Al-Burhan oo..

Caydiid Ali

Kolonyo gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo lagu qarxiyey Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---