Kolonyo gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo lagu qarxiyey Muqdisho

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa maanta duhurnimadii waxaa qaraxyo lagu lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

Labo qarax oo ka dhashay miinooyin lagu aasay dhulka ayaa ka dhacay agagaarka Warshadii hore ee baastada oo ku taalla degmada Yaaqshiid nawaaxiga Ex-controlo Balcad xili ay goobtaas marayeen kolonyada AMISOM.

Qaraxayadan oo ahaa kuwo culus oo daryankooda laga maqlay qeybo ka mid ah caasimada dalka ayaa ciidamada lala beegsaday waxay ku jawaabeen rasaas.

Weli lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta ka dambeysay hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegay iney arkeen ciidamada AMISOM oo goobta ka jiidaya mid ka mid ah gaadiidkooda oo waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxyadan.

Ma jiro hadal ka soo baxay taliska ciidamada AMISOM oo ku saabsan qaraxyadan oo ay masuuliyadooda sheegtay kooxda Al-shabaab oo war ay ku baahisay baraha internetka ee taageera ku xustay iney khasaare culus ku gaarsiiyeen ciidamada AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -