Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) RW Xamse & Masuuliyiin kale oo la afuray bulshada degmada Kaxda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay Kulan Afur Wadareed lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ka jira Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka degmada Kaxda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen. Isaga oo sheegay in hormarinta kaabayaasha bulshadu ee ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka ay qeyb weyn ka qaataan bilicda, horumarka iyo amniga.

“Degmada Kaxda waxaa deggan dad iimaan iyo akhlaaq leh, lagamana filaayo in daroogo iyo khawaarij ku faafto, labaduba waxa ay ku faafaan meelaha jahligu yaal, halkaanna waa goob culimo oo kitaabta lagu akhriyo”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu sheegay in horumarka degmada ay qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amni ee jira, taas oo keentay in lala affuro bulshada Kaxda oo kamid ah degmooyinka dhaca cirifyada. Isaga oo intaas ku daray in amniga caasimaddu uusan hagaageen haddii aan laga caqabado badan dhowr ah oo kala ah, Khawaarijta, Ciyaal-weerada, hubkii magaalada lagu dhex watay iyo nidaaminta Bajaajta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in wax laga qaban doono baahiyaha kale duwan ee ka jira degmada iyo guud ahaan gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, si loogu beddelo horumar iyo amni, caasimadduna u noqoto mid la tartanta caasimadaha dhiggeeda ah.

 

Related posts

Taliska Ciidamada Maraykanka u qaabilsan Africa oo Warbixin cusub soo saaray

Cabdi Cade

Dil caawa ka dhex dhacay Masjid ku yaala magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Muqdisho: Gacan ka hadal ka dhashay kursi lagu murmay oo dhimasho & dhaawac sababay

Caydiid Ali