Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Sida Ciidanka Israa’iil u burburiyeen Isbitaalka ugu weyn Gaza ee Al-Shifa

Milatariga Israel ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in ciidamadooda ay isaga baxeen aagga cisbitaalka Shifa ee waqooyiga Gaza ka dib markii ay soo gaba-gabeeyeen hawlgalkii ay halkaas ka wadeen.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ciidamadu ay dileen oo xireen boqolaal wax ay ugu yeereen “argagixiso” ayna hub iyo sirdoon ka heleen isbitaalka oo dhan.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay inay ka tageen tobonaan mayd ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in deegaanada ku dhow dhow Cusbitaalka ay dhulka la simeen.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay weerareen al-Shifa sababtoo ah Xamaas ayaa dib isugu soo aruurisay halkaas.

Kumanaan Falastiiniyiin ah  ayaa gabaad ka dhiganayay dhismahan, oo ka mid ah goobo yar oo ku yaal waqooyiga Gaza oo xoogaa koronto iyo biyo ah heli jiray.

Ismaaciil Al-Thawabta, oo ah agaasimaha xafiiska warbaahinta ee Xamaas ay maamusho ee Gaza, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay ku dileen gudaha iyo hareeraha isbitaalka 400 oo falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan haweeney dhakhtar ah iyo wiilkeeda oo sidoo kale ahaa dhakhtar.

Xamaas waxay sheegtay in Israa’iil ay Shifa ka xir-xirtay 350 qof, oo ay ku jiraan bukaanno iyo dad barakacayaal ah iyo dhaqaatiir kuwaasoo aan la ogeyn nolol iyo geeri halka ku dambeeyeen.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya meydadka oo qaarkood ay huwan yihiin bustayaal wasakh ah oo daadsan hareeraha cisbitalka oo gubtay, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah darbiyada dibadda ay maqan yihiin.

“Kama aan joojin oohin tan iyo markii aan imid halkan, xasuuq xun ayaa ka dhacay qabsashadii halkan,” ayuu yiri Samir Basel, oo 43 jir ah, oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters xilli uu ku socdaalayay Al Shifa.

“Meeshu waa burburtay, dhismayaal ayaa gubtay oo burburay, meeshan waxa ay u baahan tahay in dib u dhis lagu sameeyo, ma jiro isbitaal Shifa oo hadda ka dib shaqeynaya

Hal muuqaal oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinayay qaar ka mid ah Falastiiniyiinta oo dib ugu laabanaya aaggaasi si ay uga soo saaraan joodariyaal iyo agabyo kale oo burbursan oo ay markii hore gabaad ka dhiganayeen.

“Waan ka qaxnay, annagoo rajeynayna inaan soo laabto oo aan helo alaabteyda, ma jirto wax ii haray, gurigeyga ayaa la duqeeyay, wax walbana waa ay tageen, ma jirto wax ii haray,” ayay haweeney u sheegtay Reuters.

“Waxaan hoy ka raadsaday iskuullada, laakiin waxay ii sheegeen in boos ii bannaanayn, xaggee ayaan aadaa?” ayey ku catawday.

Waxay ahayd markii labaad ee ciidamada Israa’iil  ay galaan isbitaalka Al Shifa ilaa November sanadkii hore

Milateriga Israa’iil ayaa sidoo kale sare u qaaday isu diyaarinta weerarrada lagu qaadayo Rafah, oo ah magaalada koonfurta ku taalla halkaas oo in ka badan 1 milyan oo qof oo ka barakacay dagaalladaasi ay gabaad ka dhigteen, kuwaas oo intooda badan ku sugan xeryo macmal ah.

Magaalada Rafah, duqeymo ay Israa’iil ka geysatay ayaa waxaa ku dhintay lix qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

In ka badan 32,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, weerarka militariga Israa’iil ee Gaza, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka Falastiin.

Weerarkii 7-dii Oktoobar, Xamaas waxay ku dishay 1,200 oo qof, waxayna qafaasheen 253 qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil. Milatariga ayaa daabacay magacyada 257 askari oo lagu dilay dagaalka Qaza.

Dhanka kale, gudaha Masar, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa wadahadalo la yeeshay mas’uuliyiinta Israa’iil si loo soo afjaro farqiga u dhexeeya mawqifyada Xamaas iyo Israa’iil ee ku aaddan xabbad-joojin.

Laakiin sarkaal Falastiini ah oo ku dhow dadaalka dhexdhexaadinta ayaa u sheegay Reuters: “Ma jirto wax calaamad ah oo muujineya horumar ah.”

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Wasiir katirsan Xukuumada Somalia oo hal mar magacaabay Agaasime iyo Xoghaye joogto

Cabdi Cade

Booliska Mareykanka oo ka hadlay dil nin Soomaali ah loogu geystay Arlington

Caydiid Ali

Sida laga yeelayo gurigii uu ku dhashay Adolf Hitler oo go’aan laga gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali