Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo digniin ka bixisay khatar ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,  ayaa maanta soo saartay 𝗱𝗶𝗴𝗻𝗶𝗶𝗻𝗼 𝗹𝗮 𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝗿𝗮 𝗿𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗴𝘂’𝗴𝗮 kaas oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto,

Roobabka ayaa durba saacadihii la soo dhaafay ka curtay qeybo badan oo ka tirsan dalka

Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen, iyo goobaha biya mareenada ah.

Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 (sida la isku raacay) waxay dalkeena intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, wuxuuna xoogiisu billaabanayaa asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April, roobabkaas waxay sidoo kale sii socondoonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan, waxay roobabkaasi intooda badan ay ka di’i doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobolladiisa koonfureed iyo kuwa woqooyi sida ay sheegtay Sodma

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa ugu baaqay shacabka dagan hareeraha Wabbiyada iyo goobaha biya mareenada ah in ay diyaar garoabaan, oo ay qaataan awaamiirta hay’adda feejignaana looga baahan yahay.

Related posts

Madaxweynaha Somaliland oo Dhabmaal u diray dowlada iyo Shacabka Mareykanka

Cabdi Cade

Xubno ka tirsana Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka darawiishta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Maxaas si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade