Buuq iyo fowdo hareeyey doorashadii caawa ka socotay Magaalada Jowhar

Fowdo iyo Buuq ayaa hareeyay doorasho caawa ka dhacaysay magaalada Jowhar kaasoo ahaa kursigii labaad ee caawa lagu dooranayay magaalada Jowhar.

Waxaa Kursigan ku tartamaya afar musharax oo ayaa ay dhamaatay markii tirinta codadka wareeggii koowaad waxaa buuq iyo dagaal bilaabay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka.

Ciidamada booliska ayaa isku dayey iney xaalada dejiyaan hase ahaatee buuqii ayaa sii xoogeystay Gudoonka baarlamanka Hirshabelle oo cod baahiyaha ku hadlayey ayaa ciidamada amaanka faray iney dibeda u saaraan xildhibaanada fowdada waday hase ahaatee xaalada waxba iskama bedelin illaa nalalka hoolka ama leyrka la demiyo.

Dhinaca kale, Golaha Wakiilada Hirshabelle ayaa caawa kursigii shanaad ku doortey magaalada Jowhar. Axmed Maxamed Cali (Af-cadeey) oo helay 52 cod ayaa hantey xubinimadaas ka gedaal markii uu ka adkaadey Senator Maxamed Amiin Cusmaan oo helay 44 cod, waxaana doorashada kursigan ay ku dhamaatay si amaan ah.

 

- Advertisement -